Maxkamadda Darajada koowaad ee ciidanka qalabka sida ayaa maanta ku riday toddobka xubnood oo la sheegay inay ka tirsan yihiin kooxda Alshabaab, Sida maxkamaddu sheegtay waxay dhammaantood qirteen dembiyadii lagu soo eedeyay , waxaana lagu xukumay xabsiyo kal duwan.
Waxaa xukunka lagu riday xubnahaasi ku dhawaaqay Kaaliyaha Maxkamada Ciidanka Qalabka sida G/Dhexe Xasan C/raxmaan Aadan oo sheegay in kooxdan lagu soo qabtay iyagoo falal dhibaateyn ah kula dhex jira bulshada, waxaana lagu xukumay xabsi u dhaxeeya 10 ilaa 5 sano.
Eedeysanayaasha xukunka lagu riday waxayamagacyadoodu kala yihiin:
- C/raxmaan Axmed Afrax
- C/raxmaan Muqtaar Caamir
- C/naasir Aadan Caynte
- Cabdulaahi Xersi Maxamed
- Maxamed Xasan Cali
- Maxamed Cabdi Yuusuf
- Maxamed Deeq Cabdul qaadir Fiidow
[ad name=”HTML”]
Goobjooge.com
[ad name=”HTML-1″]