Waxaa maanta magaalada Jowhar lagu doortay xildhibaano ka mida aqalka hoose ee Baarlamaanka Federaalka, iyadoo ay ku soo baxeen xildhibaanada kala ah:
Xildhibaan Cumar Cusmaan Waasuge (Cumar Riinge) wuxuu ka guuleystay Musharraxiintii la tartamayay Cabdulqaadir Maxamed Cusmaan (Barnaamij) iyo Cabdimaalik Cabdalla iyo Cabdiraxmaan Cali Muumin.
Xildhibaan Cabdifataax Qaasim Maxamuud oo ka guuleystay musharixiinta kala ah: Maxamed Cumar Maclow iyo C/risaaq Cabdi Cabdullaahi, isagoo helay codad dhan 33.
Xildhibaan Farxiyo Muumin Cali oo ka guuleysatay Faadumo Khaliif Guuleed, kiyadoo heshay 40 cod, halka ay Faadumo Khaliif heshay 10 cod.
Wadani.com