Doorashada Aqalka Hoose ayaa maanta lagu wadaa in lagu dhameystiro Magaalada Garowe iyadoo xildhibaano dhowr ah isla maanta la doortay.
Saaka waxaa magaalada Garowe lagu doortay xildhibaanada kala ah:
Kursiga Dhulbahante/Reer Khaalid, waxaa ku guulaystay Axmed Ismaaciil Shabeel oo helay 48 cod, halka Axmed Ibraahim Cawaale ( oo aan xarunta joogin) uu helay 2 cod, waxaa xumaaday 1cod.
Kursiga Dhulbahante/Jaamac Siyaad, waxaa ku guulaysatay Canab Xasan Cilmi oo heshay 45 cod, Ifraax Nuur Maxamed waxay heshay 4cod, 1 codna waa uu xumaaday.
Kursiga Dhulbahante/Nuur Axmed, waxaa ku guulaystay Axmed Maxamed Axmed oo helay 42 cod, Maxamed Saleebaan Ducaale wuxuu helay 0 cod. Tirada Ergada waxay ahayd 42xubnood.
LA SOCO NATIIJADA KALE…