Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Mahad Cabdalla Cawad oo mar kale dib loo soo dooray ayaa si aan la fileyn u difaacay shilal askarta AMISOM ee Soomaaliya jooga galaan ee ay ku dhintaan dadka Soomaalida ah.
Isagoo magaalada Nairobi ka hadlayay ayuu ku dooday in la buunbuuniyo dhacdooyinka ay geystaan ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM iyo shilalka ay ku galaan gudaha Soomaaliya.
Wuxuu sheegay in shilalkaasi la mid yihiin askari Soomaali ah oo Nairobi shil ku galay, laakiin sooma hadal qaaday dadka tirada badan ee Ciidamada AMISOM ku laayeen Gobolka Shabeelaha Hoose.
DHAGEYSO MAHAD CAWAD
Wadani.com