Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad ayaa weerar kulul oo afka ah ku qaaday Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor, isagoo sheegay inuu Muqdisho iyo Turkiga u dhaxeeyo xilli ay 8 aag Alshabaab ka weerarrayaan Galmudug.
Xildhibaanka ayaa sheegay in dagaalkii Bacaadweyne ee Gobolka Mudug ay shalay Alshabaab ku ku dileen shacab iyo ciidan kor u dhaafaya 40 meeyo, isla markaana ay qabsadeen Gaadiid dagaal, horena ay muddo 10 sano ah kadib weerarreen wadadda isku xirta Guri-ceel iyo Dhuusmareeb, iyadoo weerarro joogto ah ku qaadaya Garoonka magaalada Dhuusamareeb.
“Ugu yaraan siddeed (8) furimood oo Galmudug dhexdeeda ah waxaa ka socda dagaal u dhaxeeya maleeshiyo beeleedyo reer Galmudug ah oo ay ugu horeeyaan kuwa uu ka dhashay Madaxweyne Qoorqoor iyo kuwa ka soo jeeda caasimada Galmudug Dhuusamareeb. Madaxweyne Qoorqoor mudo bil ah Xamar, Istanbul iyo Xafiiska Fahad Yaasiin ayuu u kala gooshayaa, deegaankii loo doortayna waxaas oo dhibaato ah ayaa kajira, maantana magaalada dhexdeeda ayuu ku soo dhajistay boor ay ku qorantahay GALMUDUG WARANKII YAANBAY KA TUMATAY!” ayuu qoraalkiisa ku yiri Xildhiban Mahad Salaad.
Madaxweynaha Galmudug oo heshiis gaara kula galay Madaxweyne Farmaajo inuu ka taageero dib u doorashadiisa ayaa hadda wajahaya culeys uga imaanaya siyaasiyiinta Beeshiisa, waxaana laga cabsi qabaa inuu qalalaase kasoo wajaho Baarlamaanka Galmudug oo keena inuu xilkiisa ku waayo.
