Agaaasimaha Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Soomaaliya (NISA) Mahad Maxamed Salaad ayaa War kasoo saaray Dilka lagu khaarijiyey Talihii NISA ee Gobolka Gedo.
Qoraal uu soo saaray Mahad Salaad ayuu tacsi u diray qoyska, qaraabada, saraakiisha, xubnaha Hay’adda iyo ummadda Soomaaliyeed ee uu sheegay inuu ka shahiiiday Marxuum Bakaal Kooke Taliyihii NISA ee G/Gedo.
Agasimaha NISA Mahad Salaad ayaa faray inay baaritaan dhab ah lagu sameeyo kiiskaan lagu dilay taliyihii ugu sareeyay Hay’adda NISA ee Gobolka Gedo oo ahaa mas’uulka ugu sareeya Gobolkaasi.
“Waxaan tacsi u dirayaa qoyska, qaraabada, saraakiisha, xubnaha Hay’adda iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka shahiiiday Marxuum Bakaal Kooke Taliyihii NISA G/Gedo, waxaan farayaa qaybaha baarista ee hay’adda in ay baaritaan dhab ah ku soo sameeyaan kiiskaan”.” ayuu qoraalkiisa ku yiri Mahad Salaad.
Qaraxa lagu dilay Taliyaha NISA ee Gobolka Gedo ayaa xalay ka dhacay duledka degmada Luuq xilli uu safar ku jiray, waxaana Qarax loogu xiray Gaarigiisa, taasoo dhalisay shaki badan, sida loo abaabulay qaraxaasi.
