Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad ayaa ugu baaqay madaxweynaha Soomaaliya oo caawa ku sugan magaalada Kampala ee dalka Uganda inuu raaligelin buuxda ka bixiyo hadallo uu ka sheegay Soomaaliya.
Xildhibaanka oo ka mida mucaaradka dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa sheegay in Madaxweynaha Uganda uu laba jeer Soomaaliya u soo qatay tusaale xun, iyadoo bil ka hor in uu ku tilmaamay Soomaaliya dal aan laheyn dowlad!
“Waxaan ugu baaqaynaa Madaxweyne Farmaajo, in Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni uu raali gelin buuxda ka bixiyo hadalada gafka iyo tusaalaha xun ah ee uu ku tilmaamay dalka iyo dadka Soomaaliyeed ee ka baxsan anshaxa diblomaasiyadda iyo xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada shacab.,” ayuu yiri Mahad Salaad.