Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo ka tiran Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ugu baaqay madaxda dowladda Soomaaliya inaysan siyaasadeyn mushaarka ciidamada, lagana dhaafo hadalladda xaqiiqada aan ahayn ee loo marinayo warbaahinta.
“Soo bixitaanka Ciidamadaan ayaa lagu sababeeyay mushaar la’aan mudo 4 bilood ah soo jiitameysay, halka ciidamada qaarkood mudo 6 bilood ah aysan mushaar qaadan. Saraakiil katirsan ciidanka militariga oo aan la xariiray ayaa ii sheegay in ciidamadaan la diiwaan geliyay loona sheegay in mushaarka loogu soo shubi doono akoomadooda ilaa hadana aysan wax lacag ah qaadan” ayuu yiri xildhibaanka oo farriin soo diray, isagoo sheegay in mushaar la’aanta ay saameysay ciidamadii Nabadsugida lagu wareejiyay ee Booliska iyo kuwii 14-kii Oktoobar.
Mahad Salaad ayaa farriintiisa klu yiri: “Waxaan ugu baaqaynaa Madaxda Qaranka in aan la siyaasadayn mushaarka ciidamada, lagana dhaafo ciidamada hadalada xaqiiqada ka fog ee warbaahinta loo marinayo. Sababna aan loo noqon iska horkeenida ciidamada iyo saraakiishooda. Taasoo keeni doonta in ciidamadu furimaha dagaalka soo baneeyaan, cadowgana si sahlan gacanta loogu geliyo deegaano xoreyntooda loo huray naf iyo maal aad u badan…”