Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad ayaa ku dooday in falkii xalay lagu dilay Guddoomiyihii Degmada Hodon C/xakiin Dhega-juun uu ahaa mid la qorsheeyay.
Xildhibaanka xilligiisu dhammaaday ayaa ku eedeeyay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Filish inuu daboolayo si loo qariyo raadka Dembiilayaasha falkaasi geysatay, sida uiu yiri, wuxuuna ka dalbaday inuu cudurdaar bixiyo.
“Waxaan cambaareynayaa hadalka gafka ah ee ka soo yeeray Gudoomiye Cumar Finish ee ah Gudoomiye Cabdihakiin Dhagajuun is-rasaasayn ayuu ku dhintay. Waxaanan u aragnaa in Gudoomiye Cumar iyo maamulkiisu bilaabeen raadtirasho si loo qariyo raadka dambiileyaasha falkaas geystay” ayuu qoraalkiisa ku yiri Mahad Salaad.
Wuxuu soo xigtay saraakiil uu sheegay inay tageen goobta oo u sheegay in Gaariga Guddoomiyaha markii hore la hubiyey, kana Gudbaye barta lagu dilay, kadibna loo diray sida uu sheegay ciidamo xoojin ah.
“Gaari la hubiyay markii uu gudbayay, soo laabashadiisana loo diyaar garoobay, ciidamo xoojin ahna loo diray sida ay ii sheegeen saraakiisha tagay goobta falku ka dhacay sabab loogu sheego is-rasaasayn ayay ahayd waa wax aan la qaadan karin” ayuu yiri Mahad Maxamed Salaad oo Gudoomiye Cumar ilish ugu baaqay inuu cudurdaar ka bixiyo hadalkaas.
