Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo inuu rasaas u adeegsaday dad shacab ah oo bannaanbax nabadeed isugu soo baxay.
“Shacab sacabooley ah oo si nabad ah u banaanbaxaya in loogu jawaabo Dabamiishaar (BKM), Dhashiike iyo Baasuuke (RPG) waxay ka tarjumaysaa in Farmaajo ka quustay in kursi uu ku heli karo xeelad iyo xodxodasho siyaasadeed, una jihaystay in uu wax ku goobo boob, bililiqo iyo dhiig la daadiyo!..” ayuu yiri xildhibaan Mahad Salaad oo farriin soo diray.
Mahad Salaad ayaa tacsi u diray shacabka aan waxaba galabsan ee maleeshiyaadka Farmaajo ku soo aruuriyay Muqdisho maanta xasuuqeen, sida uu yiri.
Arrintan ayaa kusoo beegmeysa iyadoo saaka ay bannaanbaxyo looga horjeedo Doorashada uu wado Madaxweyne Farmaajo ka dhaceen xaafado ka tirsan magaalada Muqdisho.
