Wararka laga helayo magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in maamulka Somaliland ay dib ugu celiyaan magaalada Muqidsho majaajiliistaha caanka ah ee Cabdi Muriidi Ajakis.
Ajakis ayaa la sheegay in la soo saaray diyaarad ku soo jeeday magaalada Muqdisho kadib markii shalay galab ay ciidamada Somaliland ka qabteen garoonka diyaaradaha Hargeysa iyagoo ku eedeeyay inuusan heysan fasaxa la siiyo weriyeyaasha ka shaqeeya Somaliland.
Tallaabadan oo si weyn loo cambaareeyay ayaa ugu danbeyntii keentay in Cabdi Muriidi lagu soo celiyo Magaalada Muqidsho oo markii hore uu ka tegay.
Ajakis oo saaran diyaaradda Afrika Airways ayaa la sugayaa Muqdisho, waxaana garoonka jooga dad badan oo doonaya inay soo dhoweeyaan, kadib markii tacadi lagu kacay oo Somaliland mas’uuliyiinteeda ay si xun ula dhaqmeen.
Wadani.com