Faafhaahin dheeraad aha yaaa kasoo baxeysa sababta magaalada Hargeysa loogu xiray Majaajilistaha caanka ah ee Cabdi Muriidi Dheere (Ajakis) oo shalay laga qabtay garoonka Magaalada Hargeysa.
Saraakiila ka tirsan Booliska Somaliland ayaa laga soo xigtay in Cabdi Muriirdi Ajakis loo xiray isagoo degaanada Somaliland galay isagoo aan heysan ogolaansho looga baahan yahay dadka u shaqeeya saxaafadda, isla markaana ayna su’aalo weydiinayaan oo ay ku socoto baaris dibna loogu celin doono Muqdisho.
Dhinaca kale mas’uuliyiinta TV-ga Universal ee magaalada Hargeysa ayaa sheegay in Ajakis safar shaqo oo keliya ku tegay Magaalada Hargeysa isagoo ku sii jeedan degaanka Soomaalida Itoobiya.
Saxaafadda Somalilad ayaa faafisay warar ay ka soox igteen mas’uuliyiinta waaxda socdaalka Somaliland ooo sheegaya in Cabdi Muriidi (Ajakis) loo soo masaafurin doono magaalada Muqdisho oo diyaarad kale dib loogu soo celinayo.
Ajakis ahaa ka howlgala telefishanka Universal ee fadhigiisu yahay magaalada London ee dalka Ingiriiska isagoo barnaajinka la magac baxay Faaliyaha Qaranka jeediya oo si shactaro ah wax looga sheego siyaasiyiinta Soomaalida.
Wadani.com