Majaajiliisre caan ah oo u dhashay dalka Nayjeeriya oo lagu magacaabo Benjamin Nwachukwu, oo taageerayaashiisa ay u yaqaanaan Shuga Shaa, ayaa sheegay inuu guursanayo gabar Boombalo ah oo lagu magacaabo Tonto Shaa.
Arrintan oo dood badan ka dhaltay dalka Nayjeeriya ayaa aragtiyo kala duwan laga bixiyey, waxaana dadka magaalada ganacsiga ee Lagos ay isku khilaafeen tallaabada uu qaaday Shuqa-shaa, iyo xiriirka jaceyl ee uu la leeyahay gabadh aalad ah oo sida dadka loo ekeysiiyay.
Gabadha Baambalada ah oo loo iray timo baruuko ah, ciddiyo la dhalaaliyey, iyo waxyaabaha ay dumarka isku qurxiyaan, barafuun qaali ahna lagu buufiyey ayaa loo sameeyay Gaari u gaari ah.
Waxaa la arkay iyadoo ninkan majaajiliistaha ah ee Shuga Shaa uu shineemo la galayo gabadhan Boombalada ah, mararka qaarna uu gaariga ku qaado. Qaar taageerayaashiisa ka mida ayaa ka xumaaday, kuna tilmaamay inuu yahay “Nin waalan”. Qaar kale ayaa u qaatay inay iska sheeko iyo kaftan tahay.
Shuga Shaa oo u jawaabayey dadka dhaliilay ayaa yiri “Tonto waxaa sameeyey bani’aadam adinka iyo aniga oo kale ah. Wax niyad ah ma laha”. Wuxuuna sii raacyey in hooyadiis ay ka warqabto xiriirka uu la leeyahay Tonto Shaa, oo aysan kala jeclayn.
Wuxuu sheegay inuu qorshaynayo inuu guursado baambolaha. “Tonto Shaa waa gabar, waana in sidaa loola dhaqmaa” ayuu yiri. “Waxaan ka helaa deganaansho iyo buuq la’aan, mana jirto sabab aan niyadjab ugala kulmo” ayuuna yiri Shuga Shaa.