Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 27
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Qormooyinka»Majaladda ‘Foreign Policy’ oo Warbixin naxdin leh ka qortay Ciidamada Somaliya [Somalia is a Country Without an Army)

    Majaladda ‘Foreign Policy’ oo Warbixin naxdin leh ka qortay Ciidamada Somaliya [Somalia is a Country Without an Army)

    August 8, 2018Updated:August 8, 20183 Mins Read Qormooyinka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Majaladda caanka ah ee Mareykanka kasoo baxda Foreign Policy ayaa qortay warvixin naxdin leh oo ku sabasan ciidamada Soomaaiya, iyadoo cinwaanka warbixinta laga dhigay in Soomaaliya ay tahay dal aan ciidamo laheyn.

    Majaladda waxay qoraalkeeda ku sheegtay, in iyadoo golaha ammaanka uu waqtiga u kordhiyey AMISOM ilaa May 2019-ka, toddobaad guhadiisna ayaa caasimadda ka dhaceen laba qarax, laguna dilay ganacsade taasoo soo dedejisay in wax la iska weydiiyo amniga magaalada Muqdisho.

    Majaladda oo qoraalkeeda sii wadato waxaa ay leedahay AMISOM waxaa ay joogtay Soomaaliya ilaa 2007-dii, waa 22,000 oo ka  kala socda dalalka Uganda, Burundi, Ethiopia, Kenya, Djibouti, iyo Sierra Leone, waxaa ay kaalintooda noqotay ka hortagga falaagada iyo inay taageeraan oo ay xoojiyaan ciidamada Soomaalida.

    Colonel dalka Uganda ah oo la hadlay Foreign Policy waxaa uu yiri “Somalia waa sida doofaarka oo kale” isaga oo intaas raaciyay “ Haddii aad nadiifiso wasaq ayuu ka sii qaadaa” Colonel-kan waxaa uu leeyahay Soomaaliya waa sida Afgaanistaan oo kale, haddii ay ciidamada isbaheysiga ka baxaan waa fududahay inay Dhaalibaan qabsato, xaqiiqo taasi la mid ah ayaa Soomaaliya ka jirta, waxaa sidoo kale uu shaki geliyay in ay bixi-doonaan AMISOM mustaqbalka dhow.

    Foreign Policy waxaa qoraalkeeda ku jira in Soomaaliya ay 11-kii sano ee la soo dhaafay aheyd waddanka kaalinta 1aad ugu jira ama ugu musuqa badan caalamka, taasoo ka duwan sida lagu yaqaaney sumcadda dalka oo mar ahaan jiray “libaaxyada Soomaaliya”.

    Qoraalka waxaa ku jira sidoo kale inkasta oo la xiray xerada tababarka Imaaraadka in ay saldhigyo Muqdisho ku leeyihiin Turkiga, Qatar, Ingiriiska oo saldhig leh Baydhabo, Mareykanka oo heysta Balli-doogle tababrna siiya Danab, waxaa intaas dheer saraakiil tababar oo ka socda Masar iyo Suudaan oo jooga Xamar iyo shirkado amni oo laga leeyahay dalka Mareykanka.

    Foreign Policy oo la hadashay khubaro xiriirka caalamiga ku taqasusay waxaa ay sheegeen in Mareykanka ay mar waddo sameeyaan qorshe fashilan oo lagu tababarayo ciidamada, horay waxaa ay ugu fashilmeen Afgaanistaan iyo Ciraaq, haddana Soomaaliya.

    Majaladda Foreign Policy waxaa ay leedahay ma cadda halka ay Soomaalida hubka ka helaan, Mareykan, UK iyo midowga Yurub ma siiyaan hub wax dila, Khaliijka iyo Masar ayaa si cad hub uga iibiya. Halkii la rabay in hubkaas bakhaarada ciidmada lagu keydiyo, oo qeybaha ciidamada ee gobollada loo qeybiyo hubkaas waxaa loo leexiyaa beelaha halka qaar kalana lagu iibiyo suuq madow.

    Cabdi Casis Xildhibaan, afhayeenkii wasaaradda amniga oo la hadlay Foreign Policy waxaa uu ku doodayaa in Al-shabaab ay ku dhex jiraan hey’adaha xukuumadda, oo ay labada dhinac la qaraabtaan. Arrintan lagu dhex-jiro waxaa ay isku dheeli-tirnaan la’aan u keeneysaa dowladda.

    Lataliye wasaaradda gashaandhigga Soomaaliya ah ayaa waxaa uu Foreign Policy u sheegay “Ma aha sir qarsoon in xubno ka tirsan xukuumadda iyo xubno ka tirsan beesha caalamka ay kireystaan Al-shabaab si ay u dilaan  ama u aamusiyaan dadka fikir ahaan ka soo horjeeda”.

    Majaladda Foreign Policy waa laga leeyahay dalka Mareykanka, waxaana la aasaasay 1970, waxaa ay ka faalootaa arrimaha caalamka.

    HOOS KA AKHRISO WARBIXINTA OO DHAMMEYSTIRAN

    Somalia Is a Country Without an Army

    Foreign Policy SNA Somalia Somalia is a Country Without an Army Xoogga dalka
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleDAAWO: Maxaa keenay in socodka Mooto Bajaajta laga mamnuuco Magaalada Baydhaba..?
    Next Article Somalia Is a Country Without an Army

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo