Kulan weyne soo dhoweyn ah ayaa loo sameeyay Malaaqa cusub ee Xamar iyo Xamar-daye Malaaq Cali Malaaq Maxamed Malaaq Wehliye waxaana ka qeyb galay xubno ka tirsan goleyaasha dowladda, Guddoomiyeyaasha Gobolada Banaadir iyo Shabeelaha dhexe, siyaasiyiin, Duubab, Odoyaasha dhaqanka iyo qeybaha bulshada.
Guddoomiyeyaasha Gobollada Banaadir iyo Shabeelaha Dhexe Xasan Maxamed Xuseen Muungaab iyo Cali Xuseen Guudlaawe ayaa si wadajir u soo dhoweeyay malaaqa cusub waayna sheegeen inay la shaqenayaan, ayna diyaar u yihiin taageeradiisa.
“Magaalada Muqdisho beryahan dhan waxa ay diyaar u tahay iyo maamulka gobolka banaadir , maamul ahaan iyo ciidamada nabad gelyada gobolka, dhamaan waxaan heegan u nahay in aan soodhaweyno, fududeyno, isku daba ridno, xafladaha is daba jooga ah ee lagu soo dhaweynayo malaaqa, malaaq Cali, Xamar iyo Xamardaye, anagana doorkeena, waan qaadaneynaa” ayuu yiri Muungab, Cali Guudlaawe ayaa isna yiri “Malaaqa Xamar iyo Xamar-daye soo dhawow ayaan ku leenahay, xamardaye ayaa nahay hadaan nahay shabeelaha dhexe, waan ku faraxsanahay duubkaaga, gogol kasta oo laguu dhigaayana diyaar ayaan ka nahay, garabkaaga ayaana taaganahay, Malaaq soo dhawoow Malaaq soo dhawoow”.
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Cali Mahdi Maxamed , Ra’iisul wasaarihii hore Cali Maxamed Geedi ayaa Malaaqa cusub ku tilmaamay mid duubkiisa cusub ku soo beegmay xilli loo baahnaa oo baahi weyn loo qabay.
Wasiirada Howlaha guud iyo Kalluumeysiga Eng, Saalax Sheekh Cismaan iyo Maxamed Cumar Ceeymooy ayaa iyaguna hadallo kooban jeediyay soo dhoweynta Malaaq waxayna caddeeyeen inay garab taagan yihiin Malaaqa Xamar iyo Xamardaye.
Malaaq Cali Malaaq Maxamed Malaaq Wehliye oo isna goobta ka hadlayaa sheegay in uu ka shaqeyn doono dib u heshiisiinta iyo nabadda, isagoo ku celceliyay, NABAD, NABAD, NABAD.
“Waxaan ka shaqeyneynaa haddii uu Alle yiraahdo Nabadda, Nabadgelyada, dib u heshiisiinta Qaranka Soomaaliyeed, si loo helo nabad iyo in la helo xal waara, maxaa yeelay haddii aan nabad la helin nolol ma jireyso, marka waxaan kaloo ugu baaqayaa Ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, aan u dirayaa nabadgelyo, dib u heshiisiin, wanaag, barwaaqo”
“Duubintaaga aan malaaqa aan duubnay macnahaheedu waxa waaye astaamaha nabadda oo aan gaarnay, sidaa awgeed malaaqa waa Malaaq Soomaaliyeed, waxaana daliil u ah, duubkiisa waxaa ka qeyb gashay Soomaali oo idil, Garbahaaga aan joognaa, sida hadda la sheegay waan kula shaqeyneynaa, waxaan balan qaadaneynaa in hiil iyo hoo baa an kula garab taaganahay, wax Alle iyo wixii shaqadaada oo fududeyn kara oo anaga xageena ah, kaga aadan, kan gobol ahaan kan xukuumad ahaan, ka dadnimo ahaan, waxaan leeyahay garabkaag ayaan taaganahay, mudane Malaaq soo dhawoow Malaaq soo dhawoow ayaan ku leenahay”