Wararka laga helayo magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in maleeshiyada Ahlu Suna ay dhufeyso cusub ka qoteen gudaha iyo hareeraha magaalada si isaga difaacaan weerar la filayo inuu kusoo fool leeyahay.
Ahlu suna oo magaalada qabsatay dhowaan ayaa hadda ku jirta diyaar garowgii ugu danbeeyay markii ay diiday inay ku laabato degaanadii ay ka timid si nabad ah, taasoo ahayd dalab ka yimid Madaxweynaha Galmudug.
Odayaasha beesha u badan magaalada Guriceel ayaa Ahlu suna ugu baaqay inay ka baxdo Magaalada, ayna ka dul qaado ciidamada si looga badbaado dagaal, waxayna sheegeen in loo diiday kulan ay la yeelan lahaayeen Sheekh Maxamed Shaakir.
Dhinaca kale ciidamada Galmudug iyo kuwa dowladda Federaalka ayaa kusii durkaya magaalada Guriceel, waxayna wararkii ugu danbeeyay sheegayaan inay qeybo ka mida ciidamada ay ka baxeen xalay degaanka Ceeldheere oo ay ku sugnaayeen, iyagoo ku jiheystay dhinaca Guriceel. Sidoo kale waxaa dhaqdhaqaaq laga dareemay maleeshiyada Ahlu suna.
Xaaladda Guriceel ayaa kacsan, iyadoo dadka ku haray magaalada ay cabsi ka qabaan in lagu dul dagaalamo, waxaana shaqeyn waayey dadaal ay wadeen odayaasha magaalada si maleeshiyada Alshabaab looga saaro halkaasi.
