Kooxda Alshabaab ayaa caawa weerar ku qaaday degmada Afgooye ee Gobolka Sh/hoose, iyadoo dagaal kooban uu dhex maray ciidamada dowladda iyo maleeshiyada Alshabaab.
Weerarka ayaa ku bilowday, kadib markii dagaalyahano ka tirsan in ay Al-Shabaab ay weerar kusoo weerareen bar ciidan oo laga ilaaliyo magaalada, waxayna dadka degaanka sheegeen in rasaas socoday daqiiqado ay keentay inuu joogsado isu socodka magaalada.
Taliyaha Ciidamada Booliska Afgoye ayaa sheegay in kooxda Shabaab ay soo weerareen afka hore ee Magaalada Afgooye, iyadoo dagaal socday muddo kooban ay ciidamada dowladda iska caabiyeen dibna u riixeen.
Warbaahinta Al-Shabaab ayaa sheegtay in maleeshiyadooda ay gudaha galeen degmada Afgooye, iyadoo weerar ay ku galeen Afgooye, qasaarana ku gaarsiiyeen ciidamada dowladda.