Kooxda Alshabaab ayaa shaacisay inay burburiyeen Anteenooyin Isgaarsiineed oo ay leedahay shirkadda Safaricom ee dalka Kenya, kuwaasoo ku yaallay degaano ka tirsan Magaalada Gaarisa ee Waqooyi Bari Kenya.
War kasoo baxay Alshabaab ayaa lagu sheegay in weerarkii ugu horeeyay sanadkan cusub ay ku qaadeen gudaha dalka Kenya iyo dhulka ay Kenya heysato, iyadoo la begsaday Anteenooyinka Shirkadda Safaricom, lana burburiyey.
Weerarkan ayaa ka dhacay degaanka Weelmareer oo ay gacanta ku haayeen Ciidamada Kenya, waxaana Shabaab ay sheegtay in ay la wareegeen gacan ku heynta degaankaasi muddo saacado ah.
Wararka aya sheegaya in Anteenooyinka la burburiyey ay Al-Shabaab ay ku xireen waxyaabaha qarxa, kadibna ay qarxiyeen, iyadoo Al-Shabaab aya dhowr jeer sidan oo akle u bu buriyeen anteenooyin isgaarsiineed ee Gobalka Waqooyi Bari Kenya.