Wararka laga helayo Gobalka Galgaduud ayaa sheegaya in maleeshiyada Al-Shabaab ay ka baxeen degmada Ceelbuur, iyadoo dadka degaanka ay dareemeen saaka xaaladda cusub ee kusoo korortay degmada.
Al-Shabaab ayaa dareemay dhaqdhaqa ay wadaan ciidamada maamulka Galmudug iyo kuwa dowladda Federaalka ee ka howlgala Galmudug, oo gaaray degaaano ku dhow xarunta degmada Ceelbuur oo tan iyo markii ay ciidamada cItoobiya ka baxeen sanadkii 2017 ku jirtay gacanta Alshabaab.
Dadka degaanka ayaa laga soo xigta inay Alshabaab dib u gurasho sameeyaan iyadoo miinooyin ku aasay degaano badan oo ku hareereysan Ceelbuur si ay uga hortagaan ciidamada ku socda degmada.
Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in Xaaladda qeybo ka mida Gobolka Galgaduud ay kacsan tahay iyadoo laga cabsi qabo inay dagaallo ku dhex maraan ciidamada Alshabaab iyo ciidamada is garabsanaya ee maamulka Galmudug iyo kuwa dowladda Soomaaliya.