Wararka laga helayo Gobolka Sanaag ayaa sheegaya in maleeshiyo ka tirsan Al-shabaab ay la wareegeen degaano ka tirsan gobolkaasi.
Dagaalamayaasha Alshabaab ayaa lagu arkay degaanka Guryasamo (Xabaasha Wacle) ee duleedka Degmada Laasqoray, waxayna ka samaysteen dhufaysyo, waana degaan istiraatiiji ah oo ka tirsan Buuraleyda Calmadow oo ah marinka degmada Laasqoray ee Gobolka Sanaag.
Dadka degaanka ayaa sheegay in maleeshiyada Al-shabaab oo weli halkaasi ku sugan ay shalay meel fagaare ah kula hadlay dadweynaha iyagoo u sheegay inay ammaanka sugayaan ayna u yimaadeen si ay halkaasi u maamulaan.
Maleeshiyada Al-shabaab ayaa si dhuumaalaysi ugu sugnaa Buuraleyda degaanka ay la wareegeen, iyadoo aanay weli wax war ah kasoo bixin Puntland iyo Somaliland oo labaduba sheegta inay maamulaan Degmada Laas-qoray.
