Wararka laga helayo Gobolka Sh/Dhexe ayaa sheegaya in maleeshiyada Alshabaab ay saaka aroortii weerar ku qaadeen degmada Balcad oo Muqdisho u jirta 37KM.
Weerarka ayaa yimid, kadib markii ay Alshabaab ciidamo badan ku soo weerarreen koontaroolada ciidamada dowlada, waxaana dagaal labada dhinac dhex maray kadib ay Alshabaab la wareegeen xarunta degmada, saldhiga Booliska iyo xarumaha kale ee degmada Balcad.
Ciidamada dowladda ayaa dib ugu soo gurtay duleedka magaalada, waxaana wararkii ugu danbeeyay sheegayaan inay Alshbaab isaga baxeen degmada Balcad markii ay heysteen in ka ku dhow laba saacadood.
Qasaaraha dagaalka ayaan weli soo bixin, waxaana kacsan xaaladda magaalada Balcad, iyadoo ciidamada dowladda ee fadhigoodu ahaa Sh/Dhexe ay intooda badan maalmihii ugu danbeeyay la geeyay magaalada Muqdisho.
Alshabaab ayaa marar hore sidan oo kale ula wareegtay degmada Balcad, waxayna dib uga baxayeen markii ay saacado heysteen.
