Wararka laga helayo Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in maleeshiyada Alshabaab ay weerar gaadmo ah ah xalay ku qaaday degaan u dhow magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda maamulka Galmudug.
Maleeshiyo hubeysan ayaa dagaal muddo kooban kula wareegay degaanka Ceeldheere oo ilaa 30 KM u jira Magaalada Dhuusamareeb, intii aanay dib uga bixin halkaasi oo muddo kooban ay ku sugnaayeen, kuna dhaawaceen askari ka tirsan ciidamad Booliska degaanka.
Wararka ayaa sheegaya in Alshabaab ay iskood uga baxeen halkaası, intii aanu soo gaarin gurmad ciidamo ka tegay magaalada Dhuusamareeb, waana markii labaad ee Alshabaab weerar ku galaan degaanka Ceeldheere.
Weerarrada Alshabaab ee deganaada u dhow caasimadda Galmudug ayaa sii kordhay intii uu maamulkaasi madaxweynaha u noqday Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), iyadoo ay tahay markii ugu horeysay ee Alshabaab haweysato degaanaadasi muddo ka badan 10 sano.
