Waxaa si weyn u sii xoogeystay Rabshadaha u dhaxeeya Qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada magaalada Diridhabe, iyadoo wararkii ugu danbeeyay sheegayaan in halkaas lagu dilay dad fara badan.
Dad ku sugan magaalada ayaa warbaahinta u sheegay in magaalada Diridhabe lagu dilay 9 qof oo ay ku jiraan dad Jabuutiyaan ah, waxaana warar kale ay dhimashada gaarsiinayaan 15 qof, iyadoo weli ay colaad ka taagan tahay magaaladaasi ayna labada qowmiyadood u dagaalamayaan, waxaan la la gubay guryo fara badan.
Dhinaca kale taliyaha Ciidammada Booliska ee dalka Jabuuti Cabdullaahi Cabdi ayaa sheegay in laba qof oo Oromo ah lagu dhaacay gudaha dalka Jabuuti markii ay weerarreen dad Jabuutiyaan ah, waxayna arrintan ka danbeysay xiisada ka taagan gudaha Itoobiya.
Gobolka Faafan ee Soomaalida Itoobiya ayaa la soo weriyay inay ka socdaan dagaallo culus oo ay soo qaadeen maleeshiyada Oromada oo la xaqiijiyey inay qabsadeen ilaa shan degaan oo Soomaalidu leedahay, waxaana weli socda dagaalka u dhaxeeya laba dhinac.
Waxaa laga cabsi qabaa in xiisada u dhaxeysa Soomaalida iyo Oromada ay ku faafto guud ahaan Geeska Afrika, iyadoo dowladda Federaalka Itoobiya ay u muuqato inaysan waxba ka qaban karin xaaladdan faraha kasii baxeysa.