Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa la sheegay inay howlgal ay saakay ka sameeyeen gobolka Hiiraan ay ku dileen in ka badan 25 maleeshiyo oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo ay ku jiraan horjoogeyaal caan ah.
Wararka lagha helayo Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya dagaal labada dhinac ku dhex maray Galbeed Hiiraane, waxaana meydadka maleeshiyaad ka tirsanaa Al-Shabaab ee la dilay oo ay soo qaadeen ciidamada la keenay Luuq-jeelow oo ku dhow Degmada Jalalaqsi, halkaas oo dadka loogu soo bandhigay si ay u daawadaan.
Xubnaha hor-joogeyaasha dagaalka lagu dilay waxaa kamida:
- Abuukar Xaaji Xabiibulaah (Hor-joogihii Alshabab ee degaanka Ceel Cade)
- Yuusuf Sheekh Daa’uud (Hor-joogihii Alshabab ee Degaanka Buq-Aqable)
- Maxamed Cali Cumar Dhuxul (Hor-joogihii Alshabab ee Tuulada Luuq-Jeelow)
- C/llaahi Warsade (wuxuu Alshabaab u qaabilsanaa Maaliyadda gobolka Hiiraan)
Waxay kaloo wararku sheegayaan in la qabtay mid kamida maleeshiyada Alshbaab oo qaabilsanaa dilalka gaadmada iyo khaarijita ah.
Waa dagaalkii ugu qasaaraha badnaa ee Gobolka Hiiraan ka soo gaara kooxda Alshabaab.
Wadani.com
[ad name=”HTML-1″]