Weerar nooc cusub ah ayaa ka dhacay duleedka magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan, kadib markii maleeshiyo beeleed (Macawisley) ay weerar aargoosi ah ku qaadeen Alshabaab, iyagoo u aargudaha Nabaddoon lagu dilay magaalada Beledweyne.
Weerarkan ayaa ka dhacay degaanka Booco ee duleedka magaalada Beledweyne ayaa waxaa fuliyey maleeshiyo Beeleed ku heyb ah nabaddoon Cali Dheere oo magaalada Beledweyne ay ku dileen dabley Alshabaab ah.
Maleeshiyada is abaabushay ayaa weerar toos ah ku qaaday Maxkamaddii Al-shabaab ee deegaanka Booco, halkaas oo dagaal ku dhex maray xubnihii Alshabaab ee ku sugnaa, waxaana lagu dilay sarkaal Alshabaab ka tirsan iyo qaar ka mida Maleeshiyada kooxdaasi.
Wasiirkii hore ee Waxbarashada Dowladda Federaalka C/llaahi Goodax Barre ayaa bogaadiyay weerarka aargoosiga ah ee Maleeshiyada Reer Hiiraan ku qaadeen Alshabaab, wuxuuna qoraal uu soo saaray ku yiri:
“Waxaan aad iyo aad u bogaadinayaa shacabkii geesiyada ahaa ee shalay weerarka aargoosiga ah ku qaaday nabad-diidka aragagixisada Al-shabaab ee fadhigoodu yahay deegaanka Booco. Waxay argagixisadu dileen Nabadoon/Samafale Alle ha u naxariistee Cali Macallin Maxamuud oo ahaa shaqsi ahlu diin ah, cibaado badan, nabadoon aad looga yaqiinay magaalada Baladweyne”
Wuxuu intaas ku daray in Dadka ehelka la ah nabadoonka ay fureen jid cusub oo u baahan in lagu dhiirrado, loogana deysado. “Waa in loo aargudaa dhammaan haldooradii iyo nabadoonadii ay naga dileen argagixsadu, looguna tagaa goobaha ay ku dhuumaaleysanayaan” ayuu yiri Goodax.