Wararka laga helayo Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in ciidamo gadoodsan ay qabsadeen xurumaha maamulka ee magaalada Dhuusamareeb.
Maleeshiyadan oo ka tirsan kooxda Ahlu suna ee Gobola Dhexe maamulkooda ayaa la sheegay inay gadoodsan yihiin arrimo dhaqaale.
Wararka ayaa sheegaya in maleeshiyadan oo ka badan 100 ay ku doodeen inaan in muddo ah wax mushaar iyo taageero la siinin.
Xaalada magaalada ayaa kacsan iyadoo saraakiisha Ahlu suna ay waanwaan kula jiraan maleeshiyada gadoodsan si xerooyinkooda loogu celiyo.
Wadani.com