Waraka laga helayo Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in deganka Ceelgaal ee duleedka magaalada Beledweyne uu ka dhacay ay isk urursadeen maleeshiyo beeleed iyo daweyne diidan booqasho uu Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ugu sii jeeday degaanka Jawiil ee Gobolka Hiiraan.
Maleeshiyada Degaanka Ceelgaal oo kasoo jeeda Beesha Madaxweynaha ayaa rabshad kala hortagey wafdiga Madaxweyne Waare, waxaana halkaasi ka dhacay rasaas keentay inuu qof ku dhintay, qar kalena ku dhaawacmaan; iyadoo uu weli halkaasi ku xayiran yahay Madaxweynaha Hirshabeelle.
Maleeshiyada degaanka Ceelgaal ayaa diidan in Madaxweynaha Hirshabeele uu booqdo Degaanka Jawiil oo ay ku doodayaan inuusan ahayn Degmo, isla markaana aanay ogolaan karin inuu booqdo Madaxweyne Waare, tasoo ay ugu wacan tahay inay xurguf ka dhaxeyso Beesha degta Jawiil.
Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa maanta lagu waday inuu tago markii ugu horeysay degaanka Jawiil oo martiqaad loogu sameynayo, waxaana ku sugan guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Hirshabeelle Canab Axmed Ciise iyo mas’uuliyiin kale.
Madaxweynihii hore ee Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosoble ayaa xilka ku wayey qalalaase ka dhashay degmooyin cusub oo uu ka magacaabay Gobolka Hiiraan, isagoo ka reebay egaanka Jawiil.


