Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in iska hor imaad dhex maray maleeshiyo iyo ciidamada Amniga degmada Heliwaa ee magaalada Muqdisho.
Dagaalkan ayaa ka dhacay xaafadda Buulo-maaxaay ee degmada Heliwaa, waxaana la sheegay inuu ka dhashay markii ay maleeshiyo xaafadaasi ku sugan ay dhaawaceen darawal Mooto Bajaajle ah, kadibna markii ay u soo gurmadeen ciidamada Amniga ay labada dhinac is rasaaseyn ku dhex martay halkaasi.
Askari ayaa la sheegay inuu ku dhintay dagaalka iyadoo mid kale uu ku dhaawacmay, waxaana dadka degaanka ay sheegayan in xiisadda ka taagan xaafadaasi ay muddo dheer soo jirtay, una dhaxeyso guddoomiye ku xigeenka amniga ee degmada Heliwaa Abshir Kaaraan iyo nin lag magacaabo Saney Cabdulle oo maleeshiyo ku heysta halkaasi.
Khilaafka labada dhinac ayaa salka ku haya muran la xiriira arrimo dhul, iyadoo aan xal loo helin arrintan.