Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa war kasoo saaray dagaal xalay ka dhacay magaalada Beleweyne oo ka bilowday rasaas lagu furay Gaari uu la socday Guddoomiyaha Gobolka.
Warka aya lagu sheegay inuu madaxda Gobolka oo howlgal ku jira uu Rasaas huwiyey Gaarigi ay saarnaayeen Maleeshiyaad hubeysan oo u Hogaaminayay Sarkaal lagu magacaabo Nuur Dheere.
Dagaalka dhacay ayaa lagu qabtay Maleeshiyaad iyo Hubkooda, laakiin lama sheegin in la qabtay sarkaalkii falka ka danbeeyay iyo in kale oo wararku sheegayaan inuu baxsaday.
HOOS KA AKHRISO WAR-SXAAAFADEEDKA MAAMULKA GOBOLKA HIIRAN
Xili ay saacada ku beegneyd abbaare 7:00pm Todobadii fiidnimo Taariikhdana ay ahayd 30-ka December 2021 xili ay safar shaqo ka soo laabteen Degmada Feer-Feer Gudomiyaha Gobalka hiiraan Mudane Cali Jeyte Cismaan Wasiirka Tamarta iyo biyaha Maamulka Hirshabelle Taliyaha Guutada 5aad Taliyaha qeybta Booliska Gobolka hiiraan iyo masùuliyiin ka tirsan Maamulka gobalka Hiiraan oo ku guda jiray Howlahooda shaqada qaran ayaa waxaa Rasaas huwiyey Gaarigii ay saarnaayeen Maleshiyaad hubeysan oo u Hogaaminayay Shaqsi lagu magacaabo Nuur dheere.
Iyadoo falalka noocan oo kale ah ay caado u aheyd kooxaha nabad diidka ah in kolanyo Dowladeed weerar lagu qaado waxuu ahaa fal-huwan Halistiisa waxaana la Horgeyn doona Maxkamada awooda u leh Cidii ka Dambeysay.
Falkaas kadib ciidamada qalabka sida iyagoo ka duulayo masuuliyada amni ee saaran iyo falka dhacay ee lagu weeraray masuuliyiinta ku Guda jiray gudashada waajibkooda shaqo waxay sameeyeen howlagal lagu soo afjaraayo Burcadii Jidka u Gashay masuuliyiinta heer Maamul iyo heer wasiiro.
Waxaa lagu soo qabqabtay hub iyo Maleeshiyaadkii dagaalamayay.
Maamulka gobolka Hiiraan ee dowlad goboladeedka Hirshabelle waxaa masuuliyad ay ka saaran tahay ka shaqeynta Amniga iyo xasiloonida guud ee Gobolka cidna laga Aqbali Maayo Qal-qal Gelinta Amniga iyo xasiloonida magaalada Beladweyne .
Iyadoo hadda amniga Guud ee magaalada ay si buuxdo u ilaalinayan Ciidamada Qalabka Sida ee soomaaliyeed.
Madaxda sare ee Maamulka Hirshabelle iyo Maamulka gobalka Hiiraan waxuu Tacsi u Dirayaa shacabkii ay wax yeelado ka soo gaartay falkaas foosha xun inta dhaawaca ahne eebe cafmaad Taama ha siiyo.


