Wararka laga helayo degmada Caabudwaaq ayaa sheegaya in dagaalkii u dhaxeeyay ciidamada kala taabacsan maamulada Galmudug iyo Ahlu-sunna oo sababay qasaare badan uu keenay in degmada inteeda badan ay la wareegaan mid kmida maleeshiyooyinkii dagaalmayay.
Dagaal oo dhowr saacadood maanta socday kadib ayay wararku sheegayaan in ugu dambeyn gacan ku haynta degmada Caabudwaaq ay la wareegeen ciidamada Galmudug ee taabacsanaa wasiiro degaankaasi ka soo jeeda.
Maleeshiyadii Ahlu-sunna ayaa banaanka looga saaray degmada Caabudwaaq, waxaana lasii maqlayaa rasaas dhacaysa, iyadoo ay suuragal tahay inay soo rogaal celiyaan.
Ahlu suna ayaan weli ka hadlin xaaladda degmada Caabudwaaq oo xaalad colaadeed gashay waxaana weli socda gurmadyo labada dhinac u imaanaya.
Wadani.com
[ad name=”HTML-7″]