Wararka laga ka heleyo Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in degmada Wadajir uu dagaal ku dhex maray ilaalo laba shirkadood oo Turki ah, agagaarka WarshaddaNac-naca ee duleedka Muqdisho, dagaalkaas oo dhaliyay dhimasho iyo dhaawac.
Dadka degaanka ayaa sheegay in dagaalkan oo ah mid ku cusub magaalada Muqdishi uu ka dhashay markii ay is-qabteen laba Masuul oo kala Maamula Shirkado Turkiga laga leeyahay o degaankaasi ka wada dhismooyin waaweyn, waxayna isku heystaan qandaraas dhisme ah oo laga fulinayo dhul dacalka ku haya xeebta badweynaha India ee duleedka degmada Wadajir.
Xiisada dagaalka ayaa weli taagan, waxaana halkaasi gaaray ciidamo iyo mas’uuliyiin ka tirsan Gobolka Banaadir si ay xaalada u qaboojiyaan.
Waa markii ugu horeysay ee dagaal shirkadeed oo lug ku leh Turkiga uu Muqdisho ka dhaca, waxaana degaanka dagaalkani ka dhacay ka socda dhismooyin iyo mashaariic waaweyn oo aan la ogeyn waxa ay yihiin.
Wadani.com
[ad name=”HTML-7″]