Xafiiska Waaxda Arrimaha Dibedda Mareykanka u qaabilsan arrimaha sharci-fulinta caalamiga ah iyo la-dagaalanka daroogada, ayaa heshiis is-afgarad ah la saxiixday dowladda federaalka ah Soomaaliya, heshiiskaasi dhigaya maamulka Puntland laga taageero dhinacyada tababarka ciidamada Booliska iyo ka-hortagga argagixisada.
Heshiiskan ayay dowladda Soomaaliya saxiixday in loo ogolaado hal milyan oo dollar oo ka mid ah lacagta xafiiskan oo lagu magacaabo (Bureau of International Narcotics and Law Enforcement Affairs – INL) in loo qoondeeyo tababarada ciidamada booliiska iyo la dagaalanka argagixisada ee maamulka Puntland.
Barnaamijkan ayaa waxa uu qeyb ka yahay in lasii wado ballaanqaadka xafiiska INL ee ku aaddan dadaallada gobolka ee ku aadan booliiska iyo la dagaalanka argagixisada. Wuxuuna ka dambeeyay kadib markii heshiis noocan oo kale ah xafiiskan la saxiixday Booliska Soomaaliya. (Akhri Warkan)
Puntland ayaa markii heshiiskaasi Muqdisho ka dhacay waxay dacwad u qortay Xafiiska Waaxda Arrimaha Dibedda Mareykanka u qaabilsan arrimaha sharci-fulinta caalamiga ah iyo la-dagaalanka daroogada iyadoo ka dalbaneysa in taageero la mida tan Muqdisho la siiyo, waxaana markaas kadib codsigaasi uu Mareykanka shardi uga dhigay in dowladda Soomaaliya u soo marto, arrintaas oo Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid fududeeyay.
Wadani.com
[ad name=”HTML-1″]