Maraykanka iyo Israel ayaa ka baxay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan dhaqanka ee UNESCO oo ay ku eedeeyeen waxa ay ku sheegeen inay ka xagliso Yuhuudda.
Wasaaradda arimaha dibadda Maraykana ayaa sidoo kale waxay eedaha loo soo jeediyey ee ah in aanay muddo lix sanadood ah bixinin qaaraankii ku waajibay ee ururkaa la siin jiray kaga jawaabay in sababta ay u joojisay tahay xubinnimada hay’addaa laga siiyey maamulka Falastiiniyiinta.
Ra’isal wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu, ayaa ku tilmaamay go’aanka Maraykanka mid geesinimo leh isla markaana damiirka san waafaqsan.
Madaxa UNESCO, Irina Bokova, ayaa ka xumaatay go’aanka Mareykanku uga baxay Hay’adda caanka ah ee UN-ka, iyadoo sheegtay inuu tusaale u yahay dhaleecaynta madaxweyne Trump ku hayo UN-ka iyo Dhaqaalaha dalkiisu siiyo hay’adaha Qaramada Midoobay, waxaana hadda lagu leeyahay lacag ka badan 500 Milyan oo dollar.
Mareykanka ayaa hore uga baxay UNESCO Sideetameedyadii kadib markii uu ku eedeeyay inay u xagliso Midowgii Soofiyeeti, wuxuuna sidoo kale sanadkii 2011 joojiyay dhaqaalihii qaaraanka ahaa ee uu bixin jiray, isagoo ka horjeeda in Falastiin ay xubin ka noqoto UNESCO, waxayna tallaabada uu hadda qaaday iska ahayd mid magac ahaan ah, maadaama uu horeba u curyaaminayay hay’adda isagoo ku taageeraya Yuhuudda.