Dowladda Mareykanka ayaa si weyn u kordhisay lacagta abaalmarinta ah ee dul saaran madaxda Alshabaab ee la siinayo qofkii keena xog lagu qaban karo ama lagu dilo.
War ay faafisay Waaxada abaalmarinta Caddaaladda Mareykanka ee raacsan Wasaaradda Arrimaha dibadda ayaa lagu shaaciyay magacyada saddex ka tirsan hoggaamiyeyaasha ugu sarreeya Al-Shabaab iyadoo mid kasta la dul dhigay abaalmarin lacageed oo dhan $10 milyan oo doolarka Mareykanka ah.
Lacagta abaalmarinta ah ayaa lasiin doonaa qof walba oo keena macluumaadka horseedi kara in la ogaado halka ay raggaas “ku dhuumanayaan”. Qoraalka lagu faafiyey bogga Twitter-ka ee waaxdan, ayaa sidoo kale lagu faafiyay bogga Twitter-ka safaaradda Mareykanka ee Muqdisho iyo Nairobi.
“Ilaa $10M ayaa lagu bixinayaa xogta ku saabsan argagixisada kala ah MAHAD KARATE, AHMED DIRIYE & JEHAD MOSTAFA, kuwaasoo ku lug lahaa weerarro badan oo lagu dilay kumannaan qof, gudaha Soomaaliya, Kenya iyo dalal kale. Ma garaneysaa halka ay isku qarinayaan?” ayaa lagu yiri qoraalka.
Mareykanka ayaa sheegay in qofka lasoo wadaaga macluumaadka madaxda Alshabaab uu heli karo lacagta dhan 10-ka Milyan ee doollar iyo in sidoo in dib u dejin loo sameeyo dal kale.
Amiirka Alshabaab ayaa hore madaxiisa waxaa u saarnaa 6 Milyan oo Dollar, waxaana hadda la gaarsiiyey 10 Milyan Dollar.
Axmed Diiriye Cumar, oo sidoo kale loo yaqaanno “Abuu Cubaydah” waa hoggaamiyaha Al-Shabaab. Macluumaad badan lagama yaqaanno taariikhdiisa, balse waxa uu horay u ahaan jiray madaxa garabka Al-Kataib.
Cabdiraxmaan Maxamed Warsame (Mahad Karate) ninka labad ee ugu sareeya Alshabaab, uguna awoodda badan ee ururka Al-Shabaab waxaa hore u saarnaa5 Milyan oo dollar, iyadoo hadda la gaarsiiyay 10 Milyan. Sida ay shaacisay dowladda Mareykanka, waxaa la rumeysan yahay in uu ku dhashay magaalada Xarardheere ee gobolka Mudug.
Dhinaca kale Waaxda bixisa abaalmarinnada caddaaladda ee Mareykanka ayaa shaacisay inay lacag dhan $10 milyan oo dollar u siineyso ciddii ka caawisa burburinta shabakadda dhinaca dhaqaalaha u qaabilsan Al-Shabaab.
“Howlgallada dhinaca maaliyadda ee Al-Shabaab iyo shabakadaha ka shaqeeya waxa ay gacan ka geystaan sii wadidda howlaha kooxda iyo maalgelinta weerarrada argagixisada ee lagu dilay kumannaan shacab ah oo aan waxba galabsan iyo ciidamada ammaanka ee Soomaaliya iyo waddamada deriska la ah” ayaa ka mid ahaa war-saxaafadeedka.
Waa markii ugu horeysay ee Mareykanka uu Lacag abaalmarin ah dul saaro oo uu beegsado ilaha dhaqaalaha Alshabaab. Bishii Oktober, Wasaaradda maaliyadda ee Mareyikanka ayaa soo bandhigtay magacyada 9 Soomaali ah oo lagu tilmaamay in ay qeybta dhaqaalaha u qaabilsan yihiin Al-Shabaab.
