Waaxda arrimaha dibadda Dowladda Mareykanka ayaa shaacisay in markii ugu horreysay muddo 27 sano ah ay “joogitaan diblomaasiyeed oo joogta ah” dib uga aas-aastay dalka Soomaaliya.
Waaxda Arrimaha dibadda ayaa sheegtay qoraal ay soo saartay ku tiri: “Dhacdadan taariikhiga ah waxay muujineysaa horumarka ay Soomaaliya sameysay sanadihii dhowaa, waana tallaabo horey loogu qaaday in rasmi laga dhigo wada-shaqeynta diblomaasiyeed ee Mareykanka uu la leeyahay Muqdisho.”
Dowladda Mareykanka ayaa xirtay safaaradeedii Soomaaliya bishii Janaayo ee 1991-kii markii dagaalka sokeeye uu billowday, markaasi oo diyaarado milatari ay Soomaaliya kasoo qaadeen safiirkii Mareykanka iyo shaqaale kale.
Dowladda Mareykanka ayaa si rasmi ah u aqoonsatay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya sanadii 2013, hase yeeshee waxaa howl-galkeeda diblomaasiyeed ee Soomaaliya fadhi u ahaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Xog-hayihii hore ee arrimaha dibedda Mareykanka, John Kerry ayaa intii uu ku guda jiray booqasho lama filaan ah oo uu Soomaaliya ku tagay sanaddii 2015, waxa uu sheegay in Mareykanka uu dib u billaabi doono hanaan uu dib ugu billaabayo joogitaan diblomaasiyeed oo joogto ah.
Safiirka cusub ee Mareykanka ee Soomaaliya, Donald Yamamoto ayaa bishii tagtay tegay xafiiska Mareykanka ee Muqdisho.