Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Saturday, June 6
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»BREAKING NEWS»Mareykanka oo Abaalmarin Lacageed oo cusub Dul dhigay Madaxda Alshabaab (Amiirka waxaa dul saaran..)

    Mareykanka oo Abaalmarin Lacageed oo cusub Dul dhigay Madaxda Alshabaab (Amiirka waxaa dul saaran..)

    November 6, 2021Updated:November 6, 20213 Mins Read BREAKING NEWS
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Waaxda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa ku dhawaaqday abaalmarin lacageed cusub oo la dul dhigay Madaxda Alshabaab, taasoo la siinayo ciddii soo sheegta xog lagu xiri karo ama lagu beegsan karo.

    Abaalmarinta Lacageed ee Mareykanku ballanqaaday ayaa gaareysa 6 milyan oo Dollar hoggaamiyaha Alshabab, waxaana heli doona ciddii keenta xog horseedeysa in la soo xiro afar ka mida hoggaamiyeyaasha sare ee Al-Shabaab.

    Afarta hoggaamiye ee Alshabaab waxay kala yihiin: Axmed Diiriye Abuu Cubeyda (hogaamiyaha), Mahad Karate (Taliyaha Amniyaadka), Fu’aad Maxamed Khalaf (Fududeeye dhinaca Maaliyadda), iyo Jacfar (Fududeeye iyo Qorsheeyaha Hawlgalka ah).

    War ogeysiis ah oo ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha dibadda Mareykanka ayay dhammaan dadka macluumaad ka haya afartan hoggaamiye iyo halka ay ku sugan yihiin uga dalbatay inay si degdeg ah ula xiriiran Waaxda iyo baraheeda bulshada.

    “Dhaqdhaqaaqyada Al-Shabaab waxay sii wadaan inay khatar ku yihiin nabadda, amniga, iyo xasilloonida gobolka, Waaxda Abaalmarinta Caddaaladda ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda waxay abaal-marin lacageed oo dhan $6 milyan ku bixinaysaa ciddii keenta xog ku saabsan hoggaamiyeyaasha Al-Shabaab, wac ama farriin qoraal ah noogu soo dir macluumaadka adigoo isticmaalaya SMS, Signal, Viber, iyo WhatsApp,” ayaa lagu yiri qoraalka.

    Abuu Cubeyda (Axmed Diiriye): Waxa uu xilka qabtay September 2014, kadib markii uu geeriyooday Amiirkii hore ee Al-Shabaab Axmed Cabdi Aw-Maxamed (Godane). Amiirka ahaan, Abuu Cubeyda wuxuu si toos ah mas’uul uga yahay dhaqdhaqaaqyada Al-shabaab, kuwaasoo weli khatar ku ah nabadda, ammaanka, iyo xasilloonida Soomaaliya iyo danaha Mareykanka ee gobolka.

    Waxaa la rumeysan yahay in da’da afartameeyo ay tahay, waxaana uu ka soo jeedaa beesha Dir ee ka soo jeeda gobolka Kismaayo ee Soomaaliya. Abaalmarin dhan $6 milyan qofkii keena xog horseeda in la xiro.

    Mahad Karate (oo loo yaqaan Cabdiraxmaan Maxamed Warsame): Karatee waxa uu u shaqeeyaa sida ku xigeenka hogaamiyaha Al-Shabaab, waxaana uu mas’uul ka yahay Amniyaadka, garabka sirdoonka iyo amniga ee maleeshiyada. Amniyaatka waxay door muhiim ah ka qaataan fulinta weerarada ismiidaaminta iyo dilalka qorsheysan ee ka dhaca Soomaaliya, Kenya iyo wadamada kale ee gobolka. Abaalmarin dhan $5 milyan qofkii keena xog horseeda in la xiro.

    Fu’aad Mohammed Khalaf (oo loo yaqaan Fu’aad Shongale): Wuxuu u fududeeyay Al-Shabaab taageero dhaqaale tan iyo 2008. Wuxuu si joogto ah u abaabulaa oo u qabtaa xaflado dhaqaale loogu uruurinayo kooxda xagjirka ah. Abaalmarin dhan $5 milyan qofkii keena xog horseeda in la xiro.

    Jacfar: Jacfar wuxu Al-Shabaab u qaabilsan yahay dhanka qaraxyada, waxaana uu mas’uul ka yahay weerarada ka dhaca Muqdisho. Wajigiisa lama garanayo. Abaalmarin dhan $5 milyan qofkii keena xog horseeda in la xiro.

    Abaalmarin Madaxda Alshabaab Top US
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleFaahfaahin: Qarax ka dhacay magaalada Muqdisho iyo Qasaaraha uu dhaliyey
    Next Article Abiy Axmed oo Dadka Itoobiyaanka ugu baaqay inay ‘Naftooda u huraan’ difaaca Dalkooda (Qeylo-dhaan)

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo