Dowladda Mareykanka ayaa hanjabaadii ugu weyneyd u dirtay Madaxda Soomaalida, haddii ay dib u dhac kale ku sameeyaan Doorashada waqti dhaaftay ee la muddeeyay inay soo dhammaato 25 Febraayo 2022.
Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka Ned Price ayaa shir jaraa’id ka sheegay magaalada Washington inuu Mareykanku qaadi doono tallaabooyin ay ka mid yihiin xayiraad dhinaca safarka ah iyo tallaabooyin kale oo xayiraad dhaqaale ah, haddii aan doorashada lagu soo dhammeyn xilliga ay ku heshiiyeen Golaha Wadatashiga Qaran.
“”Waxaan ugu baaqeynaa dhammaan madaxda qaranka iyo kuwa federaalka xubnaha ka ah Soomaaliya inay u hoggaansamaan waqtiga cusub ee lagu heshiiyey oo ay saxaan khaladaadka habraaca Doorashada” ayuu yiri Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka.
Afhayeenka ayaa soo hadal qaaday magaca Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Soomaaliya Maxamed Farmaajo oo uu sheegay in muddo sanad ku dhow uu muddo xileedkiisu dhacay.
“Doorashooyinka Soomaaliya waxay dib u dhaceen in ka badan hal sano waqtigii loogu talogalay. Febraayo waa sanadguuradii koowaad ee markii uu xilka ka dhacay Xilligii madaxweynaha. Mareykanka wuxuu diyaar u yahay inuu qaato tallaabooyin ku jirto xayiraad Visa-ha si looga jawaabo dib u dhac kale ku yimaado Doorashada, iyo carqaladeynta hannaanka Doorashada..”
Farriinta ka timida Dowladda Mareykanka ayaa ah tii ugu adkeyd ee ku socota madaxda Soomaalida, gaar ahaan Madaxweynaha xilku ka dhammaaday, taasoo lagu xoojinayo dardar gelinta Doorashada.