Dowladda Mareykanka ayaa shaacisay inay Soomaaliya ka cafineyso lacagtii deynta ahayd ee ay ku lahayd oo gaareysa Hal Bilyan oo Dollar.
Xaflad ay labada dowladood ku kala saxiixdeen Heshiiska Deyntan lag cafinayo aya ka dhacay xarunta safaaradda Mareykanka ee magaalada Muqdisho, waxaana qoraal kasoo baxay Safaaradda Mareykanka lagu sheegay inay arrinan ka dambeysay markii Soomaaliya horumar ka gaartay barnaamijka deyn cafinta ayna tiigsatay wejiga koowaad ee deynta “Decision Point,” through the Heavily Indebted Poor Countries Initiative”. Bishii Maarso ee sanadkan 2020.
Deynta Dowlad Mareykanka ka cafineyso Soomaaliya ayaa qeyb ka ah deymaha ay Soomaaliya ku leeyihiin dalalka lagu magacaabo Paris Club. Saxiixa waxaa gobjooge ka ahaa Ra’iisal wasaaraha cusub ee maanta xilka la wareegay Maxamed Xuseen Rooble iyo safiirka Mareykanka Donald Yamamoto.
Waxaa heshiiska Soomaaliya u saxixay sii-hayaha wasiirka maaliyadda, halka uu Mareykanka u saxiixay Danjire Yamamoto. Wasiir C/raxmaan Beyle ayaa sheegay in ay la hadleen dalal badan oo Paris club ah isla markaana ay ku rajo weyn yihiin in deynta la wada cafiyo. Dhinaca kale Ra’isul wasaaraha cusub Maxamed Xuseen Rooble oo goobta ayaa Mareykanka uga mahadceliyey Deynta ay ka cafiyeen Soomaaliya.
Arrintan aya qeyb ka ah waxqabadkii Xukuumadii la riday ee Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre oo arrimaha ay ku guuleystay ay ka mid ahayd Barnaamijka deyn cafinta.
