Mareykanka ayaa ka dalbaday dowladda Soomaaliya inay ku dhaqaaqo Qodob oo muhiim u ah Doorashooyinka soo socda ee Soomaaliya, kadib kulan dhex maray Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto iyo Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre.
Kulanka oo ka dhacay Xarunta safaaradda Mareykanka ee Xalane ayaa waxaa shaaciyey Safaaradda Maryekanka oo sheegay in kuanka looga hadlay xaaladaha siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan doorashooyinka iyo khilaafka ka dhex jira dowladda federaalka iyo qaar ka mid ah maamul goboleedyada dalka iyo sidoo kale dagaalka Alshabaab.
Qoraalka Safaaradda Mareykanka ayaa lagu sheegay in dowladda Somalia loogu caddeeyay in iskaashi dhex Dawladda Federaalka Soomaaliy, dhamaan dowlad goboleedyada iyo beesha caalamka uu fure u yahay dib u soo noolaynta Somaali cusub oo awood leh, waxaana farriintan ku xirnaa qodob kale oo ah in muhiimada ugu weyn ee Mareykanka ka leeyahay Soomaaliya ay tahay dagaalka lagula jiro argagixisada.
Kulanka Ra’iisal wasaare Kheyre iyo Safiirka Mareykanka ayaa ka dambeeyay qoraalkii kasoo baxay Golaha Ammaanka Q/Midoobay oo dowladda Soomaaliya looga dalbaday qodobo dhowr ah oo uu ka mid yahay baahida loo qabo xalinta khilaafka dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada.
Dhinaca xukuumadda Soomaaliya ayaan wax War ah kasoo saarin kulankan iyo arrimihii looga hadlay, mana jirto faahfaahin kasoo baxday xukuumadda Soomaaliya.