Mareykanka ayaa si toos ah ula hadlay Madaxweynaha xilkiisu dhammaaday ee Soomaaliya Maxamed C/llaahii Farmaajo iyo madaxda maamul Goboleedyada ay ugu horeeyaan Siciid C/llaahi Deni iyo Axmed Maxamed Islaam.
Farriin qoraal ah oo goor dhow ay baahisay safaaradda Mareykanka ayaa lagu adkeeyay Maxamed Farmaajo inuu xaqiijiyo in shirka wadatashiga ay si buuxda uga qeyb galaan dhammaan madaxda laguna gaaro heshiis Doorasho lagu aado.
“Waxaan ku boorineynaa Maxamed Farmaajo inuu xaqiijiyo in si buuxda looga qeyb galo shirka wadatashiga, laguna dhammeystiro heshiis doorasho. Waxaan ku boorineynaa Siciid Deni, Axmed Madoobe Qoorqoor, Cali Guudlaawe iyo Laftagareen inay shuruud la’aan shirka uga qeyb galaan..” ayaa lagu yiri farriin cusub ee ka timid Mareykanka.
Farriintan ugu danbeysan ee Mareykanka ayaa si gaara ugu socota Farmaajo oo laga rabo inuusan qaban shirar gaara ee uu horseedo shir loo dhan yahay, iyo madaxweynayaasha Siciid Deni iyo Axmed Madoobe oo shuruudo ku xiraya shirkii loo ballansanaa.
