Taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa shaaciyey in saddex duqeyn oo cirka ah uu ka fuliyey Gobolka Sh/Hoose, iyadoo lagu dilay xubno ka mida Alshabaab.
Qoraalka Africom ayaa lagu sheegay in saddexda weerar oo ka dhacay shalay degaanka Mubaarak ee Gobolka Sh/Hoose in lagu dilay 8 ka mida maleeshiyada Alshabaab, isla markaana aanay wax qasaare ah kasoo gaarin dad rayid ah.
Africom ayaa sheegtay in iyadoo dunida ay dagaal kula jirto coronavirus, haddana ay sii wadi doonto weerarrada ka dhanka ah Alshabaab oo lagu curyaaminayo dhaqdhaqaaqooda.
AFRICOM ayaa shaacisay inay duqeyn dhinaca cirka ah Jimcihii ku bartilmameedsadeen maleeshiyo ka tirsan ururka Al-Shabaab, kaasoo 3-da bishan April ka dhacay agagaarka tuulada Bush Madina ee gobolka Baay, laguna dilay 5 argagixiso.