Taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa beeniyey war ay faafiyeen warbaahinta taageerta Alshabaab oo ku saabsanaa in 10-kii April uu Mareykanku duqeyn ku dilay qof shacab ah.
Qoraal uu la socdo muuqaal oo ay baahisay Africom ayaa lagu caddeeyay in duqeynta 10-kii April ka dhacay Jammaame ay timid markii lix meyd ah oo ka tirsanaa ciidamada dowladda ay ku soo bandhigeen goob fagaare ah si ay dadka ugu cabsi geliyaan iyagoo ku tumanaya xuquuqdooda, kadibna halkaasi ay diyaarad Drone ah ku dabagashay mid ka mida raggii howshaas ka dambeeyay oo goob cidla ah lagu dilay.
Taliska Mareykanka wuxuu sheegay in Ninka la dilay uu ka dambeeyay dilka 6 Soomaali ah oo waxba galabsan, balse Alshabaab ay adeegsato website-yo taageera si ay ugu fidiyeen warar dacaayad iyo been abuur ah oo ku saabsan in dadka laga dilo ay ka dhigaan shacab.
Duqeytii 10-ka April waxaa Mareykanku ku dilay nin ay Alshabaab ku sheegeen inuu yahay suldaanka beelaha Jareer ee Jubbooyinka Cabbaas Maxamed Xaaji, waxaana warbaahinta Alshabaab ay baahisay meydkiisa iyo muuqaalladiisa iyadoo la aasayo.