Dowladda Mareykanka ayaa caawa shaacisay inay ciidamo hor leh iyo Gantaalaha difaaca u dirayo Boqortooyada Sacuudiga, kadib weerarkii lagu qaaday Xarumaha shidaalka dalkaasi oo lagu eedeeyay dalka Iiraan.
Xoghayaha Gaashaandhigga Mareykanka Mark Esper iyo Abaanduulaha taliska dhexe ee ciidamada dalkaasi Gen. Frank McKenzie oo wadajir u qabtayh shir jaraa’id ayaa ku dhawaaqay ciidamada cusub ee Mareykanku u dirayo Sacuudiga oo tiradoodu gaareyso 3000 askari, waxayna sheegeen in gantaalaha difaaca ee Patriot iyo qalabka difaaca sare eeThaad iyana la geeyay dalka Sacuudiga si loo difaaco danaha Mareykanka.
Iiraan ayay ku eedeeyeen inay amni darro ka wado Gobolka Bariga dhexe, isla markaana Mareykanka ay ka go’an tahay inuu ka difaaco xulafadiisa gobolka weerarrada Iiraan, iyadoo laga hortegayo weerarro kale oo lagu qaado dalalka Khaliijka.
Dhinaca kale Xoghayaha Gaashaandhigga Mareykanka Mark Esper wuxuu shaaciyay inay ka horjeedaan howlgalka Turkigu ka wado Waqooyiga Syria, isagoo ku baaqay inuu degdeg ku joojiyo howlgalka milateri, wuxuuna intaas ku daray in ciidamada Mareykanka laga saaray goobaha ay dagaaladu ka socdaan.