Taliska ciidamada Mareykanka ee Africa (AFRICOM) ayaa goor dhoweyd shaaciyey inay laba weerar oo duqeyn cirka ah ka fuliyeen degmada Jilib, kuwaasoo lagu qaaday dagaalyahano iyo xarun Alshabaab.
Qoraalka AFRICOM ayaa lagu sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Mareykanka ay wada qaadeen laba weerar oo duqeyn ah oo lala beegsaday Dagaalyahannada Alshabaab iyo xarun ay ku lahaayeen Jilib, iyadoo ujeedku ahaa in la wiiqo inay awoodda Alshabaab ku abaabulayaan weerarrada ka dhanka ah Mareykanka iyo dalalka Bariga Afrika.
Qasaaraha weerarka ayaa lagu sheegay in lagu burburiyey xarunta la duqeeyay ayna ku dhaawacmeen laba ka mida xubnaha Alshabaab iyadoo weli la qiyaasayo qasaaraha ka dhashay labada duqeyn.
“Duqeymaha noocan ah, waa kuwo aan gacan uga geysanno ka hor tagista in Al-Shabab ay sameystaan meelo gabbaad u ah oo ay ka soo abaabulaan weeraro dhimasho dhaliya oo ka dhan ah Mareykanka iyo saaxibadiisa Bariga Africa,” sidaasina waxa qoraalka AFRICOM ku yiri Gen. Bradford Gering, oo ah ku xigeenka Agaasimaha Howlgalada ee Taliska Milatariga Mareykanka ee Africa.
HOOS KA AKHRISO