Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa Liiska argagixisada ku dartay kooxda Jamaactu Al Hijra oo ah Alshabaab-ka ka howlgala Kenya iyo qeybo ka mida Soomaaliya.
Kooxdan ayaa ka jirta inteeda badan dalka Kenya ayaa xiriir u dhow la leh kooxda Al-shabaab ee Soomaaliya. Wasaarada ayaa sheegtay in isbedel badan lagu sameeyay kadib ururkaasi loo aqoonsaday argagixiso ku kacda falal ka baxsan sharciga.
Wasaarada Arrimaha dibadda Mareykanka qoraalkeeda ku caddeysay in ururka Jaamacatu Al-Hijra oo la asaasay sanadkii 2008-dii waxaana lagu dhisay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, kadibna ay noqotay weyn ka mida Al Shabaab ee qaabilsan dalka Kenya.
Qoraalka ay soo daabacday wasaarada oo aad u dheeraa ayaa waxaa kale lagu shaaciyay in Ururka Jaamacatu Al Hijra ay gacan ka geysatay askareynta xubnaha Shabaab ku biiraya, waxaan ay fududeysay in xubnaheeda ay si caadi ah ugu safraan dalka kenya.