Safaaradda dowladda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa qoraal ay soo saartay ku eedeysay madaxweynayaasha 3 maamul Goboleed inay ku fashilmeen jadwalkii ugu danbeeyay ee dhameystirada Doorashad Golaha shacabka.
Qoraalka Mareykanka ayaa lagu sheegay in Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada Galmudug iyo Koonfur Galbeed ay xaqiijiyeen fulinta jadwalkii Doorashada ee ku ekaa maanta 15ka Maarso 2022.
Safaaradda Mareykanka waxay nasiib darro ku tilmaantay in madaxda Jubbaland, Hirshabeele iyo Puntlaand ay mar kale kasoo bixi waayeen xilligii laga rabay inay ku soo gabgabeeyaan Doorashada.
Wararka ayaa sheegaya in Mareykanka ku dhawaaqi doono magacyada siyaasiyiinta iyo madaxda la saaray xayiraadda socdalka ee Wasaaradda Arrinta dibadda dhowaan shaacisay.