Dowladda Mareykanka ayaa markii ugu horeysay ka hadashay ciidamada dowladda Soomaaliya geysay Gobolka Gedo iyo abaabulka ciidan ee halkaasi ka socda.
Kulankii Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay shalay ka ka yeeshay xaaladda Soomaaliya, waxaa khudbad ka jeediyey Madaxa siyaasadda ee Mareykanka u qaabilsan Golaha Ammaanka, isagoo ka hadlay mowqifka dowladda Maryekanka ee arrimaha Soomaaliya.
Rodney Hunter ayaa sheegay in sanadkan 2020-ka uu Soomaaliya u yahay sanad adag, maadaama ay dooneyso inay xal ka gaarto deyn cafinta, doorashooyinka Qaranka iyo sidii ciidamada Soomaaliya ay AMISOM uga la wareegi lahaayeen sugidda amniga dalkooda. Waxaa uu sidoo kale ka hadlay khilaafka Dowladda Federaalka iyo maamul goboleedka Jubaland iyo ciidanka ay xukuumadda Soomaaliya muddooyinkii dambe ay geysay Gobolka Gedo.
“Ciidamada milateriga Dowladda Soomaaliya ee sida siyaasadeysan loogu daadgureeyay gobolka, looguna dagaal geliyay gobolka Gedo ma ahan mid la aqbali karo, waxayna taas weecineysaa dhaqaalihii lagu heshiiyay ee loogu tala galay hawlgallada amniga”, ayuu yiri Rodney Hunter oo ka hadlayay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.
The deployment of SNA troops to a politically motivated offensive in the Gedo region of Jubaland is unacceptable and diverts resources from the agreed roadmap for security operations. It is imperative that Federal Government and Federal Members States security services focus on combatting al-Shabaab, rather than engaging in armed conflict with each other to resolve political disputes. We call on President Farmaajo to end the Somali National Army offensive in Gedo, and for President Farmaajo and Jubaland President Madobe to each commit to dialogue and reconciliation.
Rodney Hunter – Political Coordinator -U.S. Mission to the United Nations
Mr Hunter ayaa sidoo kale sheegay in mas’uuliyadda ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada ay tahay la dagaalanka Al Shabaab, halkii uu isku dhac hubeysan dhex mari lahaa dhexdooda.
“Waxaan Madaxweyne Farmaajo ugu baaqeynaa in uu soo afjaro duulaanka ay ciidanka Dowladda Federaalka ka wadaan gobolka Gedo, isaga iyo madaxweynaha Jubaland Madoobe ay xoogga saaraan wadahadal iyo dib u heshisiin”, ayuu si cad u yiri Rodney Hunter.
Waa mowqifkii ugu adkaa ee dowladda Mareykanka uga hor timaado qorshaha madaxweynaha Soomaaliya ee ku saabsan Gobolka Gedo, iyadoo waanwaan labada dhinac laga dhex waday ay shaqeyn weyday.