Dowladda Mareykanka ayaa shaacisay inay qeyb ahaan dib u billaabeyso kaalmadii ay siin jirtay Ciidamada Dowladda Soomaaliya, iyadoo lagu bilaabi doono, ciidamada howlgalka ka wada Gobolka Shabeellaha hoose.
Qoraal ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay inay dib u bilaabidda deeqaha Mareykanku siin jiray Ciidamada Somalia ee aan sida tooska ah u hoos teghin Maryekanka, iyadoo laga bilaabayo qaab mashaariic kooban ah oo laga bilaabayo ciidamada ku sugan goobaha sida weyn muhiimka ah sida Gobolka Sh/hoose.
Arrintan ayaa timid kadib markii dowladda Federaalka ay isbeddel iyo dib u habeyn ku sameysay ciidamada, iyadoo kormeer wadajir ah ay sameeyeen saraakiisha Mareykanka iyo dowladda Federalka Soomaaliya, iyadoo loogu baaqay dowladda Soomaaliya inay xoojiso isla xisaabtanka kaalmada deeq bixiyayaasha ee lagu taageero Ciidamada.
Dowladda Mareykanka ayaa joojisay kaalmada ay siin jirtay Ciidamada Soomaaliya bishii December ee sanadkii 2017kii, waxaana markaasi sabab looga dhigay musuqmaasuq baahsan oo ka dhex jiray saraakiisha Ciidamada, iyadoo lasoo hubiyey in kaalmada Mareykanka uu bixinaya aysan gaarin ciidamada loogu talagalay.