Dowladda Mareykanka ayaa laba sarkaal ooka mida Alshabaab ku dartay liiska argagixisada caalamiga ah ee la raadinayo.
Arrintan waxaa ku dhawaaqay xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Micheal Pompeo, waxayna labada sarkaal ee lagu daray liiska argagixisada caalamiga ah ee dunida kala yihiin: Abdullahi Osman Mohamed iyo Maalim Ayman oo ka mida madaxda sar ee Alshabaab oo ku xiran ururka Alqaacida.
Abdullahi Osman Mohamed: ayaa ah sarkaal sare, waxaana loo yaqaan “Enjineer Ismaaciil,” wuxuuna Mareykanku sheegay inuu yahay khabiir dhinaca Qaraxyada ah, isla markaana maamula dhammaan qaraxyada ay kooxdu abaabusho. Wuxuu kaloo la-taliye gaara u yahay Amiirka Alshabaab iyo madaxa warbaahinta Alsahbaab.
Macalim Ayman (Abdiaziz Dhubow): Waa taliyaha ciidamada loo yaqaan ‘Jaysh Ayman’, oo ah ciidamada ugu culus ee qaada weerarrada Alshabaab ka dhaca Soomaalya iyo Kenya. Wuxuu mas’uul ka ahaa diyaarinta iyo qorsheynta weerarkii Alshabaab ku qaaday saldhiga Manda bay ee dalka Kenya bishii Janaayo 2020 attack oo lagu dilay laba askari oo Mareykan ah.
Xubnahan ayaa tegi karin Mareykanka, hantidoodana lagala wareegayaa, iyadoo hay’adaha denbi baarista ay isha ku haynayaan si tallaabooyin kale looga qaado.
