Taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika ayaa sheegay in duqeymo ay ka geysteen labadii malmood ee la soo dhaafay deegaanno ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose ay ku dileen 15 ka tirsan maleeshiyada ururka al-Shabaab.
War-qoraal ah oo taliska ka soo baxay ayaa lagu sheegay in duqeyn hore oo 6-dii bishan February ka dhacday meel ku dhow deegaanka Bariire ay ku dileen 11 ka mid ah maleeshiyada al-Shabaab; sidoo kalena duqeyn kale oo 7-dii bishan iyana ka dhacday meel ku dhow deegaanka Gendershe ay ku dileen afar ka mid ah maleeshiyada al-Shabaab.
Taliska Mareykanka waxa uu intaasi ku daray in qiimeyntooda aysan illaa iyo hadda muujineyn in cid shacab ah ay duqeymahaasi wax ku noqdeen. Sida uu sheegay, Maj. Gen. Gregg Olson, madaxa howlgalada AFRICOM, duqeymaha ayaa qeyb ka ah dadaallo ay dowladda Mareyakanka ku taageereyso ciidamada Soomaaliya iyo dagaalka ay kula jiraan Al-Shabaab.